Elon Musk waa shaqsi muran badan dhaliya, mararka qaarna loo arko hal-abuuraha hormuudka u ah teknolojiyadaha mustaqbalka, marna lagu yaqaan go’aamo lama filaan ah. Haddi uu yahay nin u hanqal taagaya in uu dad bini’aadam ah geeyo Mars, ama uu dunida ku wado in ay ku beddesho baabuur koronto ku shaqeeya, Musk wuxuu ku caan baxay jebinta xeerarka. Laakiin tallaabadiisii ugu dambeysay—taageeridda ololaha Trump iyo ugu dambeyn ku biiridda maamulka Trump—waxay dad badan ka dhigtay kuwo la yaaban.
Muxuu hogaamiye ganacsi oo waaweyn, oo horey loogu tirin jiray maskaxda cusub ee Silicon Valley, ugu dhowaanayaa madaxweynihii hore ee Trump? Jawaabtu waxay ku jirtaa dareen xanuun badan oo uu ka qabo sidii loola dhaqmay, muranada siyaasadeed ee shaqsiyan saameeyay, iyo kacdoon uu ka qabo nidaamka uu dareemayo inuu si khaldan ula dhaqmay.
Xafladdii EV-ga ee la Hilmaamay Tesla

Sanadkii 2021, Madaxweyne Joe Biden wuxuu qabtay shirweyne lagu dhiirrigelinayo baabuurta korontada ku shaqeeya (EV). Shirkan wuxuu ujeedkiisu ahaa in la xuso horumarka warshadaha baabuurta korontada, balse waxaa si ula kac ah looga reebay Tesla.
Inkastoo Tesla ay tahay shirkadda ugu magaca dheer soo saarta baabuurta EV-ga, haddana Biden wuxuu ammaan iyo sharaf kala dul dhacay shirkadaha kale sida General Motors iyo Ford, isagoo iska indha tiray Tesla. Musk, oo aan ahayn nin si sahlan u iloowa dhaawaca sharaftiisa, wuxuu baraha bulshada ka dhaleeceeyay Biden, isagoo ku tilmaamay “nin aan maskax furan lahayn” oo ay ururrada shaqaaluhu gacanta ku hayaan.
Tani ma ahayn oo kaliya dhaawac shakhsi ah—waxay ahayd calaamad muujinaysa in xukuumadda Biden aysan u aqoonsanayn Tesla inay tahay hormuudka isbeddelka EV-ga. Arrintani waxay si weyn uga careysiisay Musk, waxayna ahayd halkii ay ka billabatay kalsooni darrada uu ka qaaday xisbiga Dimuqraadiga.
Muranka Jinsiga: Qodob Shaqsiyan u Xanuun Badnaa
Nolosha gaarka ah ee Musk marar badan waxay saameyn ku yeelataa aragtidiisa siyaasadeed, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay isbeddelka jinsiga ee ilmihiisa.
Sanadkii 2022, mid ka mid ah carruurtiisa ayaa si rasmi ah u beddelay magaciisa, wuxuuna caddeeyay inuusan doonayn wax xiriir ah oo uu la yeesho aabihiis. Musk wuxuu ficilkan si toos ah ugu eedeeyay waxa loogu yeero “Dhaqan Baraarug” ama “Woke Culture” taasoo uu u arko mid caruurta ka jeedineysa qiyamka dhaqanka ee caadiga ah.
Musk, oo horey uga soo horjeeday aragtiyada xagjirka ah ee dhinaca jinsiga iyo xorriyadda hadalka, wuxuu aad u dhaliilay dhaqanka cusub ee la xiriira arrimaha jinsiga. Aragtidii Trump ee ka hortagga “Fikradaha Baraarugga” ama “Woke ideology” wuxuu u arkay mid la jaanqaadaysa dareenkiisa, taasoo sii xoojisay isku soo dhowaanshahooda.
Xiritaankii COVID: Wajigii Ugu Dambeeyay
Haddii xafladdii EV-gu ay ahayd dharbaaxo, iyo arrimaha qoyskiisu ay ahayd dhaawac shakhsi ah, xilligii COVID-19 ee albaabada loo laabay dhammaan goobihii shaqadu waxay noqotay dhibicdii ugu dambeysay ee Musk ka fujisay xukuumadda Biden.
Markii dowlad goboleedka California ay xirtay warshadda Tesla ee Fremont si looga hortago faafitaanka cudurka, Musk wuu ka horyimid. Wuxuu furay dacwooyin maxkamadeed, wuxuuna baraha bulshada ku sheegay in xiritaannada ay yihiin “fashiisnimo” iyo xadgudub lagu sameeyay xorriyadda ganacsiga.
Go’aankaas wuxuu Musk ka dhigay geesi u muuqda inuu difaacayo xorriyadda ganacsiga, wuxuuna si tartiib tartiib ah ugu dhowaaday fikradaha siyaasadeed ee midigta fog, oo uu Trump hormuudka u ahaa. Ugu dambeyn, Musk wuxuu u raray xarunta Tesla gobolka Texas—tallaabo muujineysa nacaybka uu u qabo siyaasadaha xad-dhaafka ah ee gobollada Dimuqraadiga ah.
Trump iyo Musk: Heshiis Siyaasadeed Mise Aragtida Dhabta ah?
Musk taageeridda Trump waxay u muuqan kartaa wax lala yaabo, balse waa natiijada sannado badan oo uu ka niyad jabay siyaasadaha Dimuqraadiga. Trump, oo si fiican u fahmaya dareenka Musk, wuxuu soo dhaweystay niyad-jabka uu ka qabo xukuumadda Biden. Musk-na, dhankiisa, wuxuu Trump u arkaa mid uu u adeegsan karo sidii uu u weerari lahaa nidaamka uu u arko mid caddaalad-darro kula dhaqmay.
Qaar waxay aaminsan yihiin in Musk uu si xeel dheer u xisaabtamay, uuna doonayo in uu Trump u adeegsado sidii uu uga helilahaa siyaasado u roon Tesla iyo SpaceX. Qaar kale waxay qabaan in tani ay muujinayso isbedel dhab ah oo ku yimid aragtidiisa siyaasadeed—Musk oo aaminsan in Dimuqraadiyiintu ay ka tageen hal-abuurka, uuna u weecday dhinaca xurriyadda ganacsiga iyo horumarka tiknoolajiyadda.
Si kastaba ha ahaatee, isbahaysiga cusub ee Trump iyo Musk wuxuu beddelayaa xiriirka u dhaxeeya Silicon Valley iyo siyaasadda. Hogaamiyihii la tilmaami jiray inuu hormuud u yahay fikirka cusub ee teknoolajiyadda hadda wuxuu garabka saaran yahay nin horey si toos ah uga hor yimid warshadaha uu Musk hormuudka u yahay.
Hal shay oo kaliya ayaa la hubo: sida caadada u ah Musk, dhacdooyinkan wax caadi ah ma noqon doonaan!